Sababta aanad uga maarmin business email | Aba Graphics Co.

business-email

Ciwaanka email-ka ah ee leh magaca meheraddaada ee domain name-ka (hebel@businessname.com) wuxuu kaa caawinayaa inaad muujiso sawir xirfadaysan, wuxuuna kordhiyaa kalsoonida mehraddaada iyo Brand-kaaga . Sidoo kale wuxuu yeeshaa saamayn ka awood badan marka loo eego fariinta ka timaadda Outlook, Yahoo iyo Gmail domain.

Waa tan sababta aadan uga maarmin email ganacsi (business email account).

Adeegsiga domain-ka email-ka ee magaca meheraddaada wuxuu si sax ah u muujinayaa cidda aad tahay

Markii ay macaamiishu arkaan email uu dhammaadkiisu yahay (@gmail.com) ama (@hotmail.com), waxay bilaabaan inay naftooda waydiiyaan su’aalahan:

 

  • Waa kuma qofkani?

  • Sideen ku ogaan karaa inay run ahaantii ka shaqeeyaan shirkaddaas?

  • Haddii ay ganacsi leyihiin ama shirkad yihiin maxay u adeegsan waayeen ciwaanka ganacsiga (business email)?

  • Ma lacag la’aan baa haysa?

  • Ma aqoonta farsamada ayaysan lanayn?

Marka aanad adeegsan ciwaanka ganacsiga, su’aalahaasi iyo kuwo lamid ah ayay dadku is weydiiyaan. Sida aan la socono ganacsiyadu waxay diraan fariimo badan, waxay diraan fariimaha la xidhiidha dalabka badeecadaha , Shipping confirmations, customer support, fariimo la xidhiidhka alaab-qeybiyeyaasha, fariimo suuqgeyn iyo kuwo kale. Maadaama ay sidaa tahay mid kasta oo ka mid ah email-ladaas waa inuu  ganacsigaaga u muujiyaa hab xirfad leh. Xiriir kastaa waa inuu sii qoto dheereeyaa kalsoonida macaamiishaada, ee maaha inuu shakiyaan.

Business email la’aantiisa, waxaad u muuqanaysaa (Spammer)

Haddii aad si weyn ugu tiirsan tahay email-ka si aad ula xiriirto macaamiishaada, sida inaad dirto newsletters waxaa jirta khatar kale oo ah isticmaalka xisaabaadka iimaylka ee bilaashka ah sida (@gmail.com), maxaa yeelay qaar badan oo ka mid ah akoonnada email-ka ee bilaashka ah waxaa loo adeegsadaa in wax lagu khiyaaneeyo ama lagu spam gareeyo, waxayna arintaasi keenaysaa inaadan wajihi karin shakiyada ay dhalinayaan fariimahaasi khatarta ah, taasna waxay dhalin kartaa in fariimahaaga aysan macaamilku gaadhin oo waxay fariimahaasi u gudbayaan (spam folder).

 

Ugu dambayn, haddii aad rabto inaad kor u qaado magaca mehraddaada iyo ganacsigaaga, waxaad u baahan tahay inaad isticmaasho email ganacsi ah (hebel@businessname.com).

Inaad hesho email-ka ganacsi way fududahay

Aba Graphics waxay xalinayaan dhammaan baahiyaha aad u qabto email ganacsi ( hebel@businessname.com). Waxaad nagala soo xiriir kartaa call iyo whatsapp: +16124135449

Scroll to Top